Xukuumadda Somaliland oo Magacowday Guddi Farsamo oo soo Afjarta Shaqaalaha Caafimaad ee ka Hawlgala Dalka

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil  Yuusuf, ayaa magacaabay  Guddi farsamo oo ka kooban  7 Dhakhtar oo ka hawl-geli doona soo afjarida  Shaqaalaha caafimaad ee ka shaqeeya dalka.

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, wuxuu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo maanta    waxaanu sheegay in isagoo fulinaya amarkii Madaxweynaha Somaliland uu magacaabay Guddi farsamo oo  ka shaqeysa sidii loo soo afjari lahaa arrinta hawlwadeennada caafimaad ee ajanabiga ah ee ka shaqeysta dalka.

 

Dr. Xasan Ismaaciil  Yuusuf Wasiirka Horumarinta Caafimaadku waxa uu Guddidaas farsamo   u magacaabay dhakhaatiirta kala ah, Dr. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed (Dr. Geel), Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Aw-Koombe), Dr. Bashiir Cabdi Saleebaan, Dr. Farxaan Cumar Muuse, Dr. Faadumo Xaashi Iimaan, Dr. Saleebaan Cabdi Guulleed iyo Dr. Cismaan Maxamed Diiriye.

 

Wasiirka Caafimaadku wuxuu Guddidaas dhakhaatiirta ah ku adkeeyey inay si hagar la’aan ah oo hufan uga soo baaraan-degaan soo afjarista arrinta loo xil-saaray.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland

Dr. Xasan Ismaaciil  Yuusuf,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker