Maayirka magaalada Berbera Oo Loo Doortay Cabdishakuur Ciddin halka ku-xigeenkiisana loo doortay Nuur Cadde.
Maayirka magaalada Berbera ayaa loo doortay Cabdishakuur Ciddin halka ku-xigeenkiisana loo doortay Nuur Cadde.
Qaabkii ay u dhacday doorashada maayirka iyo maayir ku-xigeenka Berbera:
Fadhigii saaka waxa ka soo xaadiray 11 xubnood
Cabdishakur Maxamuud Xasan (Cidin) oo u tartamayay maayirka Berbera waxa u coddeeyay oo gacanta u taagay 7 xildhibaan
Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo u tartamayay maayirka Berbera waxa u coddeeyay 4 xildhibaan
Xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuurcade) oo u tartamayay maayir ku-xigeenka Berbera oo waxa u codeeyay oo gacanta u taagay 7 xildhibaan
Aadan Sahal Ducaale (Aadan Dheere) oo u tartamayay maayirka ku-xigeenka Berbera waxa u codeeyay 4 xildhibaan.
Waxa xusid mudan in Musharraxii hore u shaaciyay in u tartamayo maayirka Berbera Maxamed Dable, ayaan isagu iman goobta Doorashada.