Gabadh Dhalinyaro Ah Oo Xalay Tooray Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka Magaalada Gaalkacyo ka imanaya ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu dilay Gabadh dhalinyaro aheyd.

 

Allaha u naxariistee Gabadhan ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nimco Cumar Shire “Xuur”,waxaana ay jirtay 22 sanno,iyadoona kamid ahayd dadka deegaanka.

 

Dilkan loo geystay Gabadha ayaa waxaa loo adeegsaday Toorey ,isla markaana waxaa looga dhuftay dhuunta, kadib markii ay kasoo baxday Salaadii Taraawiixda oo ay kusoo tukutay mid kamid ah Masaajida ku yaalla Xaafada Garsoor ee Gaalkacyo.

 

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in gabadha ay ku dhex geeriyootay Isbitaalka weyn ee Waqooyiga Gaalkacyo, iyadoo Kooxihii ka dambeeyay dilkan Naxdinta leh ay goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana Ciidanka amniga Magaalada Gaalkacyo ay sameeyay baadhitaano kooban ,hayeeshee laguma guuleysan in lasoo qabto ragii fuliyay falka.

 

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Gaalkacyo oo ay uga hadlayaan dhacdadii lagu dilay Nimco Cumar Shire “Xuur” Allah Haw Naxariistee.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker