Wasiirka Amniga Soomaaliya oo sheegay inaanay jirin askar weerartay Hoyga Xasan Sheekh

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id goor dhow qabtay ayaa sheegay in dad aan u naxayn bulshada ay soo abaabuleyn maleeshiyaad hubeysan, kuwaasi oo qeybo ka mid ah weerar ku soo qaaday Muqdisho balse ciidamada amniga ee dowladda ay kala eryeen maleeshiyadii qaska wadday.

Wasiirka ayaa xusay in ciidamada ay iminka si buuxda gacanta ugu hayaan goobihii saaka ka dhaceen arbushaadda, isagoo shacabka uga tacsiyadeeyay cid Alle iyo ciddii ay waxyeelo ka soo gaadhay.

Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in ciidanku weerar ku qaaday guriga Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan 1967 ayuu xilka ka degay 2007 ayuuna dhintay, waxa uu si Nabad ah ku joogay beertiisa Janaale, waxaana uu ahaa Nabadoon, waxa uu ahaa Madaxweyne lagu deydo”. ayuu yidhi Wasiirka

Wasiirka Wasaaradda Amniga mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan Ilaalinta Nabadgelyada iyo midnimada shacabka, isla markaana aysan ka qeyb qaadan dagaalo la soo xawilay oo la doonayo in lagu carqaladeeyo ammaanka Caasimadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker