Haweeney uur leh oo ninkeeda ka badbaadisay weerar halis ah

Haweeney uur leh ayaa badda Florida isku tuurtay oo dabaalatay si ay ninkeeda uga badbaadiso Libaax badeed soo weeraray.

Booliska ayaa sheegay in Andrew Charles Eddy, oo 30 jir ah, uu xirnaa qalabka la xirto marka badda la quusayo amba la tiimbanayo balse waxaa qaniinay Libaax badeed markii uu biyaha hoos u galay .

Xaaskiisa, oo lagu magacaabo Margot Dukes-Eddy, ayaa aragtay dhiiga ninkeeda oo biyaha ka dul muuqda waxaana si aan walaac laheyn “bilaa shaki”, u go’aansatay in ay ku dhex muquurato biyaha si ninkeeda ay u badbaadiso waxaa sidaasi sheegay saraakiil arrintaan ka hadashay .

Kadib markii ay soo badbaadisay oo ay bannaanka u soo saartay ninkeeda Mr Eddy ayaa qaar ka mid ah qoyska lamaanahaan waxaa ay waceen Telefoonka laamaha amniga ee ah 911.

Ninkaan oo dhawaac ka soo gaaray garabka ayaa lagu qaaday diyaarad Axadii waxaana loo duuliyay xaruun lagula tacaalayo dhaawacyada oo ku taala magaalada Miami.

Sarkaal ka tirsan waaxda badbaadada laguna magacaabo Ryan Johnson ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Mr Eddy uu xaalad halis ah ku jiray markii ay u soo gurmadeen.

Lamaanahaan oo ka soo jeeda gobalka Georgia, ayaa fasaxooda kula qaadanayay qoyskooda gobalka Florida waxaana xiliga arrintaan ay dhaceysay ay wada saarnaayeen doon yar oo ah nooca raaxada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa mar dambe sheegay in ay arkayeen Libaax badeed weyn oo badda ku dabaalanaya gaarahaana halka uu Mr Eddy ku weeraray.

Gobalka Florida ee dalka Mareykanka ayaa ah halka tirada ugu badan ee weerarada Libaax badeedku ka dhacaan caalamka oo dhan taas oo lagu sheegay 21 warbixin oo ay soo saartay xaruunta dhaqanka Florida sanadkii 2019-kii,.

Si kastaba ha noqotee weerarada Libaax badeedka dunida oo dhan waa arin dhif ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker