Amiirad ka tirsan qoyska reer Boqor ee dalka Japan Oo Jacaylkeeda

Sanado badan oo muran ah ka dib, Amiirad ka tirsan qoyska reer Boqor ee dalka Japan ayaa guursan doonta nin ay ku waynayso maamuuska Boqortooyo ee ay leedahay.

Waxay ka tanaasuli doontaa maqaamkeedii boqornimo. Wakaaladda Qoyska ee Imperial ayaa sheegtay taariikhda uu ku beeganyahay arooskooda oo ah 26ka Oktoobar ee bishaan.

Lammaanaha ayaa markii hore lagu waday inay is guursadaan 2018-kii, balse waxaa la joojiyay arooska ka dib markii la ogaaday in qoyska ninka ay la kulmeen dhibaatooyin dhaqaale.

Gabadhan oo lagu magacaabo Amiirad Mako, ayaa waxaa awoowe u ah boqorka dalka Japan Akihito waxayna guursan doontaa Kei Komuro, oo ka shaqeeya xafiis Qareen kaasi oo ay isku da’a yihiin.

Amiirad Mako ayay isbarteen ninka ay calmatay sanadkii 2012 xilligaasi oo ay isku Jaamacad dhigan jireen, waxaase dhibaato ku noqday sharciga u yaala qoyska Boqortooyada oo dhigaya in haddii qof ka tirsan qoyska Boqortooyada uu damco in uu guursado qof caadi ah ay tahay in uu iska dhigo darajada ama maaqaamka Boqortooyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker