WAXAA WAX LAGU QOSLA AH NIN KU DACWIYEY IN MAAYORADA CUSUB IN DOORASHADOODA LA IS WEYDAARIYEY.

Dadka ku doodaaya Mayor baa Mayor la dhaafiyey oo kursaa nin loo boobay waa dad Nowmul – Kaaf ku jira oo aad mooddo inay imika indhaha kala qaadeen. Ma WAXAANAY OGAYN siday Xukuumadda Kulmiye laga soo bilaabo 2010kii wax u Soo boobaysay ee wax isusoo daba marinaysay. Mayor yar oo siduu u qayilay daamamku kala weynaadeen oo haddii la baadho aan dembi loo waayeyn ayaad ka hadlaysaa ee ma waxaad ilawsantay in kursigan Muse Biixi Boob ku yimi, ma waxaa ad OGAYN in kursiga Bashe Farah Gudoomiye Baarlamaanka ku sheeggu oo boob ku yimi, ma waxaanad OGAYN Maxkamadaha sida lagu fadhiya, ma waxaanad OGAYN siday Guurti ku sheeegga aan ummaddu doorani siday ku joogto, ma waxaanad OGAYN Mayor ka Hargeysa siduu ku yimi. Markaa Somaliland iyadaa is dhalisay oo cagaa isku taagtay oo soo halgantay iyadaa a is duminaysa cid debed uga imanaysaa oo duminaysaa ma jirto. Markaa reer Boramaw marna waxaa leedihiin ANAGAA ugu jaamacdo wacan marna (Home work) kasoo shaqayn maysaan sida wax u socdaan dersa oo oohinta badan isga daaya reer Awdalaw.

Haddaan qalbiga muwaadiniinta wax idiinka sheego moralkoodu aad buu u hooseeyaa oo Dawladnimadii baa ka xumaatay, maanta cid la iska celin karaa ma jirto waayo qoriga qofku sidaa wax ma taro ee qofka sida ayaa wax Tara qofkuna ummad nimo iyo dawladnimo iyo caddaalad iyo Dan guud oo la wada leeyey hadday meesha ka baxdo nin ay isku reer hebel yihiin wuxuu boobo ama haysto waxba uma aha wadankana wax uma aha. Markaa Somaliland sidan way ku baa a, ayaa hadday dadka qaar guul u arka an. Waa aynu eegnaa hubaal inaan Xuduudo la sheegan karin haddii dawlada yar la kala yeesho waxay ku dambaynaysaa sida wadanka BANAMA XAALKIISU SIDUU YAHAY. Allah dadkiisa isgaa ugu badiya oo aqoon u leh aan la soo koob karin. Waxuu ‘ALHAAKUMU TAKAATHUR XATAA SURTUL MAQAAFUR. (adduun urursi baa nolosha ku jiraysaan illaa aa xabaalaha ka gelaysaan- markaasaa adduun urursigiina reer Somaliland xaraan urursi ka noqday oo wax lala yaabo ah.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker