Guddoomiyihii Gobolka Togdheer Oo Xalay Geeriyooday, Madaxweynaha JSL Oo Tacsi U diraya

ILAAHAY ha u naxariistee waxa caawa dalka Turkiga ku geeriyooday Badhasaabkii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Maxamed Cabdi oo xaalad caafimaadhalkaas maanta loogu qaaday.

 

Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer Mr. Maxamed Cabdilaahi Ibraahim wuxuu tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga gobolka Togdheer ee uu madaxda u ahaa, waxaanu ILAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisiina Samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

ALLE ha u naxariistee Badhasaabkii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Maxamed Cabdi ayaa u xannuunsanayey Kalyaha, waxaanu marxuumku Xukuumadda Somaliland ka soo qabtay Badhasaabka Gobolka Gabiley oo uu ahaa Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, iyadoo labadii sannadood ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na uu ahaa Badhasaabka Gobolka Togdheer. Waxaanu ahaa nin dhallinyaro ah oo ku dedaal badan shaqadiisa, kana shaqeyn jiray nabadgelyada iyo horumarinta gobolka Togdheer.

 

 

TACSI MADAXWEYNE: 07/06/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Maxamed Cabdi oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 06/07/2020, dalka dibediisa oo isla maanta loo qaaday dalka Turkiga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, tilmaan iyo hiigsina u ahaa da’a yarta dalka, kuna suntanaa daacadnimo iyo dedaal.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker