Shirka laga soo abaabulay madaxtooyada S/land oo ka dhan ah jaaliyada Somaliland ee gobalka Minnesota

Shir ka dhan midnimda iyo wada jirka jaaliyada Somaliland ee gobalka Minnesota taas oo ay gacan laxaad leh ka geysteen xubno ka mid shaqaalaha madaxtooyada oo ugu horeeyo xoghayaha gaarka ee madaxweynaha Somaliland ninka laga magacaabo Mubaarik Ismacil Taani isagoo oo uga dan leh hanaan siyaasadeeda iyo mid beelaysan,
Hadii aynu ku horeeyno mid siyaasadeeda ee u ka leeyahay burburka jaaliyada iyo abuuris ururo u adeega madaxtooyada Somaliland oo laga abuurayo gudaha dalka maraykanka kuwaas oo danaha laga leeyahay ay ka mid tahay yaraynta sameeynta xafiiska wakiilka Somaliland ee dalka maraykanka taas oo aan kalsooni lagu qabin wakiilka u dhawaan u soo magacaabay madaxweynuhu isagoo oo ka soo jeeda beelaha darafyada , sidoo kalena sas badan ay xukumada ka qabto afkaarta u aaminsan yahay safiirku iyo sidii ay ururadani uga shaqayn lahayeen barmaamujyada waji ku macaasha oo lagu taageero xukumada laga abaabulo dalalka dibada , hadaba ururadani maxay yihiin :-
Somaliland Intellectual Forum oo u ka gudoomiye yahay wiil ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse Biixi wiilkan lagu magacaabo Saki isaaq
Ururka labada waa Somaliland Youth Association kan labaadan waa ka imika keenay buuqa iyo kala qaybinta jaaliyarada taas oo kan la rabo in jaaliyada la marsiiyo taas oo la rabo in lagu baabiyo magaca iyo muuqaalka jaaliyada iyadoo aan jirin wax ay ku midaysan yihiin dhalinyarada ssomaliland ee gobalka laakiin ay jiro afar wiil oo ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse Biixi oo gacan ka helay madaxtooyadu ay hawshan ururka ayaa wataan ,

Arinta labada ayaa ah in xubno ka tirsan labada urur lagau magacaabi lahaa qunsul ku mushahar qaata gobalka Minnesota oo yidhaahda waxaana u adeega shacab Somaliland ee k u dhaqan gobalka Minnesota hadaba si ay taas u hir gasho waxa xubnaha labada urur geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii ay arintaas u hir gali lahayn waxay na abaabuleen shir ay ugu magac dareen soo dhaweynta hogaanka dhalinyarada taas oo ay rabaa inay ku fuulaan qodobo laga soo qorsheeyey xarunta madaxtooyada taasan waxa lafo jab ku tahay midnimada iyo wada jira ummada reer Somaliland ee k u dhaqan dalka maraykanka , sida darteeda waxaana ugu baaqay cidkasta oo gacan ka geysan karta joojinta kala fogaynta jaaliyada in loo kaco ,sidoo kale shaqsiyada awoodaha dawliga si gaara ah ugu qarabo kiilaya iyo qaybyaalada u adeegyada inay joojiyaan , kulankaas yahay mid lid ku ah midnimada iyo wada jira jaaliyada
Gabgeabadii waxaana madaxweynaha ugu baaqayaa inuu hoos u eego shaqaalaha xafiiskiisa ka shaqaynayaa sida bulshada ugu adeegyaan

By abdinaasir jama
Email: farjano111@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker