Hal Wiil oo Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed Ee magaalada Hargeysa.

Alle Haw Naxariistee Wiil 24 Jir ah laguna magacaabo Cabdicasiis Dhoobo ayaa ku Dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Masalaha caasimada Hargeysa.

Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan.

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ku guuleysteen Balligana ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastabana shacbiweynaha Somaliland ku adkaynayaa In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

990 Gurmadka Degdega ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker