TARIIKHDII HALGANKII SNM EE KALTUUN JIBAAXE CIISE

Kaltuun Moxamed ciise, oo ku magac dheer , “ kaltuun Jibaaxe”, waxay ka mid ahayd hablihii reer Somaliland ee wax Barta kuwii ugu horeeyay sanadkii lixdamaadkii horaantiisii……
Kaltuun waxay ahayd haweenaydii kaliya eek a qayb gashay assaaskii Jabhadii SNM, ee lagu qabtay magalada London ee Cariga Ingiriiska bishii afaraad Sanadkii 1981.
Kaltuun waxay ka soo dhooftay magalada Abu dhabi ee dalka iskutaga Imaaraadka carabta, waxaynay ku biirtay kooxdii ka tagtay sucuudiga ee London kaga dhawaaqday jabhadii SNM. Waxa lagu qabtay shirkaa lagaga dhawaaqaayay guri uu lahaa xubin ka mid ah xubnihii SNM halkaa kaga dhawaaqay.
Kolkii uu dhamaaday ku dhawaaqii iyo shirkii ugu horeeyay eeka dhacay London, waxay kaltuun ku soo noqotay wadankii iyo magaladii ay ku nooleyd ee Abu dhabi, iyadoo kolkaa u shaqaynaysay Shirkada wayn ee shidaalka ee la yidhaah ADMA-OPCO ee magalada Abu dhabi. Maalmo yar dabadeed ku dhawaaqidii SNM ee London, Mohamed Xaashi Cilmi iyo Marxuum Axmed Ismaciil “ Dukhsi”, ayaa waxay yimadeen Magalada Abu dhabi, si ay ula kulmaan Jahliyadii reer Somaliland ee xiligaa ku sugnaa magalada Abu dhabi iyo imaraadka Carabta. Labadaa Mujaahid Ayay ku Casumtay Gurigeedii ay Shirkadu siisay, Casumadaa Ayay kula kulantay Ilaahy how naxariistee Cali Cabdi Qaadir, oo noqday odeygeedii oo ay aqal galneen bishii May 31, sanadkii 1981.
Sanadkii 1984, waxay kaltuun u soo wareegtay dalka Ethiopia, magalada Addis Ababa, oo Odeygeeda uu ka bilaabay shaqo ah UN. Halkaas oo ay hore ugu noolaan jirtay mudo dheer. Kaltuun waxay ku noqotay shaqo ay hore uga shaqayn jirtay oo ah Ururka Africa ee la yidhaah OAU.
Laga bilaabo maalintaa ay kaltuun iyo odeygeedu u soo wareegeen dalka Ethiopia waxay bilaabeen abaabulka Jabahadii SNM. Wakhtigii ay jabahada SNM gashay dalkii Somaliland ee sanadkii 1988, ee la bilaabay in magaalooyinkii la burburiyo, waxay kaltuun xiligaas tagtay xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia, waxay ku soo aragtay indhaheeda dadka faraha badan eeka soo qaxaaya magaalooyinkii Somaliland ee la soo baxsanaaya naftooda. Xiligay xadka tagtay waxay ahayd Bisihii Agoosto ee sanadkii 1988. Waxay gaadhay tuulooyinka la yidhaah Dibiilay iyo Xarshin, Sababtay u tagay waxay ahayd in ay soo ogaato meesha ugu badan ee ay dadkii ku soo Qaxeen oo ahayd hartashiikh iyo dulcad, si ay u diyaariso Qoraal loo gudbiyo UN and OAU.
Kaltuun iyadoo la kaashanaysa hayadaha UNHCR iyo kuwa kale ee UN , Waxay ka dhamaysay hayadahaas in ay dadkan soo qaxay siiyaan teendhooyin ay ka galaan dhaxanta iyo roobka meesha oo kolkaa dhaxan badnayd, waxay ka codsaday in UNHCR siiyaan dadka teendhooyin , dabeeto waxay dadkii joogay hartashiikh wada siiyeen teendhooyin cad cad , sidaas ayay meeshaasi ula baxday magaca dheer ee ay ilaa hadda caanka ku tahay ee ah DULCAD.
Markii ay Kaltuun dib ugu soo laabatay magaladii ay daganayd ee Addi Ababa. Waxay bilowday olale ah hadh iyo habeen aan kala go ahayn, in dadkan laga soo bara kiciyay dhulkoodii ee cidlada wadhan, wax loo qabto, waxay u tagtay safaaradihii iyo hayadihii aduunka ee kolkaa ku sugnaa dalka Ethiopia, gaara ahaan magalada Addis Ababa.
Kaltuun waxay ku guulaysatay in dad badan oo reer Somaliland ah ay aqbaleen Safaaradihii xiligaa joogay Addis Ababa, in ay siiyaan visaha dal ku galka ah ee wadamadooda, sida Safaarada Ingiriiska, Beljemka, Mareykanka iyo wadamo badan oo ah Africa.
Waa taariikh dheer oo aan qoraal lagu soo koobi Karin. Si kastaba ha ahaatee Kaltuun oo kolkaa joogta xarunta OAU, ee Addis Ababa, way ku balaadhatay shaqadii iyo tii Jabhadu, waxay abaabushay dhalinyaro reer Somaliland oo aad u yaqaan afka xabashiga, si ay ula shaqeeyaan madaxda SNM iyo Dawladii xiligaa Mangiste ee Ethiopia, iyo isku xidhka Safaaradaha kolkaa joogay dalkan Ethiopia iyo Jabahada SNM.
Kaltuun Jibaaxe waxay ku suntan tahay in ay tahay qofkii aad uga shaqeeyay in jabhadii SNM iyo xidhiidhka Safaaradihii xiligaa joogay Ethiopia iyo Hayadihii Caalamiga ahaa uu xidhiidhkoodu fiicnaado, waa sabata keentay in ay jabahdii SNM, xaga siyaasada kaga adkaatay taliskii siyaad barre , aduunka ku soo jeedisay in uu yahay talis digtatoori ah oo si xun u gumaadaaya dadka shicib ah oon waxba galabsan.
Kaltuun Jibaaxe waxa maanta badan u haya dad badan oo ku nool aduunka oo xiligii adkaa ee ay ku jireen xeryaha qaxootiga ay caawimo hiil iyo hooba la garab istaagtay, kaltuun waa mujaahidad dalkan iyo dadka abaal wayn ku leh, waa aqoon yahanad , waliba jecel in ay dalkeeda wixii ay u qaban karto u qabato.
Sideedaba halgankii dalkan Somaliland loo soo maray, waxa ka qayb qaatay Hablo badan oo maanta qaar ay nool yihiin, qaar kalan ay shahiideen, oon magac iyo meel toona laga sheegin, taasi waxay dhaawacaysaa halgankii dalkan loo soo maray een lagu xusin hablihii ka ag dagaalamaayay raga,kuwii dhawacooda dawaynaayay , iyo kuwii raashinka u karinaayay.
Tariikhda Kaltuun Jibaaxe oo kooban waxaad ka daawan kartaa feediyowgan hoosta ku xusen.

QORE:
ABDI CISMAAN CALI
ATLANTA, GA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker