Sheekh sunni ah oo war kasoo saaray xukun dil ah ay Iran ku fulisay nin ka qeyb qaadanayay dibadbaxyada

Sheekh caan ah oo sunni ah ayaa sheegay in dilkii Jimcihii lagu fuliyay nin u dhashay waddanka Iiraan oo ka qeybqaatay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda uu yahay mid hareer marsan shareecada Islaamka, xilli madaxweyne Ibraahim Ra’iisi uu wacad ku maray markii la daldalay ninkaas inuu sii wadi doono baacsiga dadka dibadbaxyada.

Iran ayaa daldashay Muxsin Shekaari, kaas oo ay sheegtay in loo xukumay inuu tooray ku dhaawacay askari ka tirsanaa ilaalada qaranka iyo inuu xiray waddo ku taal magaalada Tehran, iyadoo daldalaaddanna ay tahay middii ugu horraysay kaddib kumannaan qof oo loo xiray deganaanshiyo la’aanta, arrintaas oo horseedday dhaleecayn ay soo jeedinayeen reer Galbeedka.

Dibadbaxyada ballaaran ee ka socda Iran waxay qarxeen markii booliska ay gacanta booliska ku geeriyootay haweeney Kurdi aheyd oo la oran jiray Mahsa Amini bishii September- waana caqabaddii ugu weyneyd ee soo wajahday Iran tan iyo sanadkii 1979 kadib kacaankii islaamiga ahaa.

Molavi Abdolhamid, oo ah waddaad sunni ah oo ku nool jamhuuriyadda Islaamiga ee shiicada maamusho ayaa dhaleeceeyay xukunka dilka ah.

Wuxuu sheegay in wax dil ah aan lagu xukumi Karin qof aan waxbo dilin balse kaliya ah waddo xiray isla markaana minddi ku dhaawacay xubin ka tirsan maleeshiyaadka Basij.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay muuqaal ay ku sheegtay Shekari oo qiranayo falka isaga oo dhabankiisa midig uu ka muuqday dhaawac.

Wuxuu qirtay in uu toori ku dilay askari ka tirsan maleeshiyaadka Basij uuna jidgooyo uu dhigay waddada.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in Shekari la jirddilay lagu khasbay in uu qirto dambiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker