Saraakiil sarsare iyo ciidamo loosoo qabtay dilka dibadbaxayaal loogu geystay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo

Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan militariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay in ay amreen in awood wax lagu dilo loo adeegsado dibadbax la mamnuucay.

Ciidamada ammaanka ayaa soo farageliyay markii uu dhacay banaanbaxa looga soo horjeeday ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey Arbacadii lasoo dhaafay, waxaana ku dhintay 43 qof 56 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dibad-baxayaashu waxay ka soo jeedeen koox diimeed, waxayna dalbanayeen in ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay iyo kuwa Bulshada Bariga Afrika laga saaro dalkooda.

Saraakiisha la xiray ayaa kala ah Mike Mikombe, oo ah madaxa ilaalada Jamhuuriga ee Goma, iyo Donat Bawili, oo ah hogaamiyaha militariga fadhigoodu yahay magaalada, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Peter Kazadi.

Ma cadda dacwadda ay la kulmi doonaan.

Wasiirka ayaa balan qaaday in baaritaanada lagu samaynayo dilalkaasi oo dhaliyay caro qaran iyo mid caalami ah ay noqon doonto mid hufan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker