Maxkamadda Gobolka Saaxil Oo Xukun Ku Ridday 18 Jir Lagu Qabtay 114 Litir Oo Khamri Ah

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, Maamulka Saaxil iyo Bahda Garsoorka ee Gobolkaasi, ayaa ka hadlay Maandooriyaha Khamriga oo toddobaadkan lagu qabtay Magaalada Berbera.

 

Maandooriyahan oo ka koobnaa 114 Litir, ayaa lagu burburiyey Shalay Maxkamadda Gobolka Saaxil horteeda.

 

Maxamed Axmed Ceeryaan oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Saaxil, oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey xukunnada lagu riday Ciddii lagu qabtay “Khamrigan oo ka kooban 114 Quraaradood oo ah nooca loo yaqaanno (Dry jiin), waxa lagu qabtay xukunsanaha Magaciisu yahay Bashiir Carab Maxamuud oo 18 jir ah, waxay Maxkamaddu ku xukuntay 3 Sannadood oo Xadhig ciqaabeed iyo 3 Milyan oo Ganaax ah, waxa kale oo ay Maxkamaddu boqolkiiba shan ganaaxday Gaadhigii lagu qabtay.”ayuu yidhi Garsoore Ceeryaan.

 

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Eng. Cismaan Axmed Xasan ayaa isaguna bogaadiyey Ciidammadii qabtay khamrigan “Waxaanu aad ugu Hambalyeynaynaa Ciidankii ka hawl-galay, Taliyaha Saldhigga Wadajir iyo Ciidankiisa aad baanu ugu bogaadinaynaa hawshaa uu qabtay, dhiiri-gelintiisana wuu nagu leeyahay.” Ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolka Saaxil.

 

Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Ciddin oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay dhiirigelinayaan Ciidammada Booliiska ee dagaalka kula jira Maandooriyaha Khamriga la qabtay ka mid yahay.

 

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in amniga laga wada shaqeeyo, maaddaama oo amnigu yahay waxa wax kasta suurto-gelinaya “Gaar ahaan Berbera waa dhuuntii ay wax inoo soo marayeen, markaa waxa loo baahan yahay in si gaar ah xil la iskaga saaro.”ayuu yidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker