Magaalada Kismaayo oo hoy U Noqotay Loolanka Wadamada Ethiopia iyo Kenya iyo Doorkii Amisom oo Gabi ahaanba meesha ka baxay

Kismaayo (OWN) – Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in ay soo xoogeysatay xiisada u dhexeysa ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee ka taagan gudaha magaaladaasi.

Xiisadan ayaa ka dhalatay, kadib markii uu shalay fashilmay qorshe ay ciidamada Itoobiya ku degi lahaayeen garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidamadaasi haatan laga dareemayo gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ka cabsi qabaan in dagaal culus uu ka qarxo halkaasi.

Dhanka kale wafdi uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Tigabu Yilma oo u dhashay Itoobiya ayaa saacadaha soo scoda ku wajahan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu farogelin doono xiisada ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo ka wada tirsan howlgalka AMISOM, si xal looga gaaro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker