Isku Aadka Carabao Cup Oo Caawa La Qabanayo, Kooxaha Waa Weyn Ee Premier League Oo Qeyb Ka Noqonaya & Wax Walba Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato

Koobka League Cup ee mar walba magaca looga bedelo shirkadii hadba iibsata xuquuqda magaca haatana la yidhaahdo Carabao Cup ayaa xiiso yeelan doonta iyadoo kooxaha Premier League ay soo galayaan tartanka wareegiisa seddexaad.

Manchester City, Liverpool, Chelsea, Tottenham, Arsenal, Manchester United iyo Wolves ayaa ogaan doona kooxda ay la ciyaarayaan.

 

Man City ayaa dooneysa inay difaacato koobkaan oo ay ku guuleysteen labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay iyagoo rigoore kaga qaaday Cheslea xilli ciyaareedkii hore halka ay 3-0 ku garaaceen Arsenal sannadkii ka horeeyay.

Todobaan kooxood ayaan dhamaantood ka maqnaa wareegii labaad ee Carabao Cup, madaama ay yihiin todobada kooxood ee u soo baxay tartamada Yurub, wuxuu sharciga dhigayaa inay tartanka ka bilowdaan wareega seddexaad.

 

Goormee La Qabanayaa Isku Aadka?

Isku aadka wareega 3aad waxaa la qaban doonaa caawa oo Arbaco ah taariikhduna tahay 28ka bisha Agtoosto, waxaana ay la qaban doonaa marka ay soo dhamaato ciyaarta Lincoln City iyo Everton. Haddii aan waqti dheeri ah la isla aadin kulankaas, isku aadka waxa uu dhici doonaa 12ka saqda dhexe waqtiga geeska Afrika.

Goormee la ciyaarayaa kulamada wareega 3aad ee Carabao Cup?

Kulamada wareega 3aad waxaa la ciyaari doonaa isbuuca ka bilaabanaya 23ka bisha September.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker