Waryeelada Qarixii Saaka ee Magaalada Muqdisho oo Isa soo Taraysa

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay degagagaarka Isgoyska Black Sea ee Gobolka Banaadir,waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

 

 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa haweeneey isku soo xidhay waxyaabaha qaraxa oo is qarxisay,waxaana halkaasi ku sugnaa saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

 

 

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo xidhay wadooyinka soo galka halka uu qaraxa ka dhacay,sidoo kale waxaa jira gfurmad loo sameynayo dadka loobay qaraxa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker