Mudaharaadayaasha Ciraaq oo weeraray qunsuliyadda Iran ee Karbala

Ugu yaraan seddex qof oo mudaharaadayaasha ka mid ah ayaa toogasha lagu dilay xilli ay mudaharaadyo ka wadeen afaafka hore ee qunsuliyadda Iiraan ay ku leedahay magaalada Karbala.

Mudaharaadayaasha oo dalbanaya iney Iiraan joojiso faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha dalka Ciraaq ayaa gudaha ugu daatay dhismaha qunsuliyadda Iiraan.

Wararka halkaasi ka imanaya waxay sheegayaan ciidamada ammaanku iney mudaharaadayaasha rasaas ku fureen, halka ay ila wareedyo kalana sheegayaan qof shaqsi ah oo rasaas ku furay mudaharaadayaasha inuu dilay dadkaasi.

Waxay wararku intaasi ku darayaan iney ciidaamada ammaanku rasaas noonool u adeegsadeen mudaharaadayaal Isniinti isugu baxay caasimadda Baqdaad.

Mudaharaadyo ballaadhan ayaa dalka Ciraaq ka sii socdo iyada inkasta oo ay jirto codsi ka yimid Ra’isul Wasaare Caadil Cabdul Mahdi..

Caadil Cabdul Mahdi wuxuu mudaharaadayaasha ugu baaqay- “kuwasoo ka careysan sida uu ugu fashilmay wax ka qabashada musuqmaasuqa baahay, shaqa la’aanta jirta iyo adeegyada arrimaha bulshada ee aadka u liito” – iney dib u furaan waddooyinka si waddanka xaaladdiisa caadi loogu soo celiyo” isaga baaqiisaasi ka sheegay fariin uu mudaharaadayaasha Axaddi uga gudbiyey warbaahinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker