Maraykanka oo duqayn ku dilay xubno katirsan kooxda Alshabaab

Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday duqayn cirka ah oo ka dhan ah kooxda al-Shabaab, iyagoo ka jawaabayay weerar Alshabaab ay ku qaadeen ciidamo katirsanaa dowladda oo ku sugnaa deegaana Libikus oo katirsan Jubbada hoose.

Taliska Maraykanka ee Afrika oo war soo saaray, ayaa sheegay, in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya.

Howlgalka AFRICOM wuxuu sheegay in laba ka mid ah kooxda al-Shabaab lagu dilay hawlgal duqaynta ah, iyo in aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay duqaynta.

Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tillaabooyin waa weyn oo looga hortagayo khasaaraha dadka dadka rayidka ah kasoo gaara weerarada.

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa sheegay inay weli ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker