Maxaa ku qornaa warqadda laga mamnuucay TikTok ee uu 20 san kahor qoray Osama bin Ladin?

Shabakadda muuqaallada gaagaaban ee TikTok ayaa mamnuuci doonta waxyaabaha xayaysiisinaya warqaddii uu Usama bin Laden sannadkii 2002 uu sida faahfaahsan uga hadlay sababihii uu hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida u soo qaaday weerarrada ka dhanka ah dadka Maraykanka ah, sida ay Khamiista maanta ah sheegtay shabakaddani.

Dood ku saabsan farriinta Usama bin Laden ee lagu faafiyay TikTok toddobaadkan ayaa ku saabsan muranka ka dhashay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo qaar ka mid ah isticmaaleyaasha reer galbeedka ay ammaaneen waxa ku jira.

Warqadan oo la qoray kadib weerarkii Al-Qaacida ay ku qaadday Mareykanka oo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof, ayaa lagu dhaleeceeyay taageerada Mareykanka uu siiyo Israa’iil, waxaana lagu eedeeyay dadka Mareykanka ah inay maalgeliyaan “dulmiga” lagu hayo Falastiiniyiinta, waxaana ka mid ahaa hadallo ka dhan ah Yuhuudda.

Bin Laden ayaa sanadkii 2011-kii lagu dilay Pakistan, waxaana dilay cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

“Waxyaabaha xayaysiinaya warqadan waxay si cad u jebinayaan xeerarkeena ku aaddan taageeridda nooc kasta oo argagixisanimo,” ayay TikTok ku tiri hadal ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay in aan si joogto ah loogu faafin masraxeeda warqaddan.

Qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Mareykanka ayaa ku baaqay in la mamnuuco app-ka laga leeyahay Shiinaha, waxayna soo cusbooneysiiyeen dhaleeceyntooda kahor inta aan la shaacin mamuniicistan Khamiistii.

Afhayeenka Aqalka Cad Andrew Bates ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku yiri: “Marna ma jirto sabab loo faafiyo beenta, xumaanta, iyo nacaybka uu hoggaamiyaha al-Qaacida soo saaray wax yar uun kadib markii uu geystay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa taariikhda Mareykanka.”

 

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker