” Xisbiga Waddanina waan ahay, Axmed Siillanyo saaxibtinimo ayaa naga dhaxaysa, Muuuse Biixi …” Xildhibaan Nacnac

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay saaxibtinimada isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siillaanyo yo sida uu yahay xidhidhka isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),  ayaa sidoo kale ka hadlay Kootada Haweenka, Saami qaybsiga iyo Doorashada Wakiilada ugu horeyna isagoo ka hadlaya Nabadgalyada ayaa yidhi “Waxaan leeyahay dadka nabadgalyada ha la ilaaliyo oo wadaninimada ha la ilaaliyo,oo shaydaanka inaga naara,maanta inaynu Somaliland ku kala cararo uma fadhino,Qarankeena  ayaa wax walba ka weyn,nabadeena wax walba ka weyn,uma fadhino in
maanta nabadeena waxyeelo soo gaadho,ee aynu iska ilaalino wax kasta oo nabadeena wiiqaya,waxaana leeyahay arintaas berriga iyo nimankaas  qul-qulaya yaan la dhayalsan ee wax ha ha laga qabto”.

 

Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey Doorashada Wakiilada iyo Saami qaybsiga ayaa yidhi “Saami qaybsigu wuxuu imanayaa Barlamaanka oo ka dooda iyo tirikoobkii oo la sameeyo,wakhti bayna qaadanaysaa,ilaa haddana looma dhaqaaqin;saami qaybsiguna wakhti buu qaadanayaa,Kooto ayaa cid loo xdhayna socon maayo ee cod baa la isku muquuninayaa,Dastuurka ayaana la raacayaa”.

 

Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey saaxibtinimada isaga iyo Axmed Siillaanyo iyo siday isku yihiin madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi “Axmed Siillanyo saaxibtinimo ayaa naga dhaxaysa,Madaxweynaha haddana
waa Madaxweynahayagii oo wax mushkilad ahi nama dhex taalo wada shaqeyn baana naga dhexeeysa Xisbiga Waddanina waan ahay”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker