Kenya Oo War kasoo Saartay Ka Maqnaanshaha Dacwadda Badda ee Soomaaliya

Dawladda Kenya ayaa war kasoo saartay sababta ay uga baaqatay Dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhexeysay.

Qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in sababta ay dacwadda badda uga qaybgali weyday ay tahay, Cadaalad darro ay sheegtay in maxkamadda ICJ ka tabanayso, xanuunka Covid19 oo hoos u dhigey diyaargarowgii Kenya, iyo Garsoore Abdulqawi Yusuf oo ah garsoore Soomaali ah.

Waxaa intaasi ay ku dartay Kenya in maxkamadda cadaaladda adduunka in arrinta muranka Badda ay gacan saddexaad oo dano ganacsi leh ay ku jirto, kuwaasi oo dab kusii shidaya kiiska, sida ay ku tiri qoraalkeeda.

Kenya ayaa horay uga baaqatay Dacwadda badda ee ay Soomaaliya ku haysatay, waxaana tiro dhowr jeer ah ay dalbatay in dib loogu dhigo Dacwadda Badda ay Soomaaliya ku haysato, balse Maxkamadda Cadaaladda adduunka ayaa ku gacan saydhay dalabkeedii dambe, waana ay ka baaqatay ka qayb galka Dacwadda.

Halkan hoose ka akhriso wasaaradda arimaha dibedda kenya oo qoraal kasoo saartay muranka badda:–

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker