Xukuumadda Somaliland oo Xukun Dil ah ku Fulisay Dambiilayaal Muddo Xidhnaa

Somaliland ayaa Maanta oo Khamiis ah waxay xukun dil toogasho ah ku fulisay lix Nin oo hore Maxkamadaha Somaliland dil ugu xukumeen, kuwaas oo Lagu Helay  inay dil geysteen.

 

Lixda Nin ayaa muddo u xidhnaa Somaliland, waxaana Maanta lagu toogtay fagaaro ku yaalla duleedka Xabsiga deegaanka Mandheera gobolka Saaxil,

 

Iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Ehelada dadka la dilay iyo kuwa wax laga  dilay iyo sidoo kale mas’uuliyiinta Maxkamadda Gobolka Saaxil.

 

 

 

Ragga dilka toogashada ah lagu fuliyay maanta ee la toogtay waxaa dilkooda saxiixay Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, kaddib markii xukun lagu riday, waxaana ay kala yihiin Magacyadooda. Sidan hoose  ku xusan

 

 

 

1- Yaasiin Maxamed Yuusuf

2-Sharmaarke Sahal Oogle

3-Quulle Maxamed Cilmi

4-Khaalid Cabdi Xaydar

5-khadar Maxamed Warsame

6-Cabdikariim Maxamed Mahdi

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker