Netanyahu: Laba jeerba waan weeraraynaa Rafah, wax naga hor istaagi doono ma leh

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay inaysan marnaba ka laaban doonin hawlgalka dhinaca dhulka ee ay qorsheynayaan in lagu qaado deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Inkastoo Dowladaha Qatar, Masar iyo Mareykanka ay isku dayayaan in Israel iyo Xamaas ay gaaraan heshiis xabad joojin ah, maxaabiistana la isku dhaafsanayo ayuu haddana Raysal Wasaaraha Israel sheegaya inaysan jirin doonin wax ka hor istaagi doona inay weeraraan Rafah.

“Haddii heshiis la gaaro iyo haddii kaleba, laba jeerba waan weeraraynaa deegaanka Rafah ee Marinka Gaza.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Waxa kaloo uu yiri “Israel waxay weerari doontaa Rafah, iyadoo aan loo eegin heshiiska xabad joojinta ee lala gelayo Xamaas.”

Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Israel ay sii wadi doonto dagaalka, illaa iyo inta ay ka gaareyso hadafkeeda, oo ah burburinta Xamaas, in la haysteyaasha Israeliyiinta guryahooda dib loogu soo celiyo iyo in Gaza aysan mustaqbalka noqonin meel halis ku ah Israel.

“Fekerka ah in aan joojin doono dagaalka, ka hor inta aan la gaarin dhammaan ujeedooyinka laga leeyahay waa mid aan meeshaba ku jirin.” Ayuu yiri Netanyahu.

Ku dhawaad toddobo bilood oo Ciidamada Israel ay ka dagaalamayaan Marinka Gaza ayaan weli xaqiijin ujeedooyinkii ay ugu duuleen dhulka sida adag loo go’doomiyay.

Hadalkiisan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay socdaan isku dayo la doonayo in lagu gaaro heshiis xabad joojin ah iyo sii deynta la haysteyaasha.

Warka Netanyahu ayaa imaanaya, xilli Mareykanku uu si adag uga digay in ciidamadiisu ay weeraraan Rafah, haddii aan la ilaalineyn dadka rayidka ah ee halkaasi ku nool.

Rafah waxaa hadda degan inta badan dadka reer Gaza, waxayna hoy u tahay 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah, waana meeshii ugu dambeysay oo ay dadku isugu soo uruureen.

Netanyahu ayaa xitaa iska indha tiraya cadaadiska kaga imaanaya qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha ee looga dalbanayo in Xamaas uu la gaaro heshiis suurtagelinaya in la haysteyaasha la soo sii daayo.

Xamaas ayaa iyadu ku adkeysaneysa in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo duulaanka Israel ee Gaza, si ciidamadeeda ay dib ugu laabtaan barrihii ay ka soo dhaqaaqeen, ka hor inta aysan dhinaca dhulka ka soo weerarin Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker