Dhegayso: Wasiirka Khaarajiga ee Dawlada FD Somalia Cawad oo ka Warbixiyay Kulamkii dhexmaray dhiggiisa Kenya

Muqdisho (OWN) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga  ee Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyey in wada-hadalladii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku yimaadeen cadaadis ay dalal kale saareen Soomaaliya.

 

Warbaahinta caalamiga ah qaarkood ayaa weriyey in madaxweyne Farmaajo uu taleefon u diray Uhuru Kenyatta kadib markii ay sidaas ku cadaadiyeen Mareykanka iyo Itoobiya, hase yeeshee Cawad ayaa taas ku gacan seeray.“Waxba kama jiraan

 

 

Anagu  waxaynu  Nahay dalal xor ah. Dalal aad Saaxiib tihiin waa idin wada hadalsiin karaan, laakiin go’aankii ugu dambeeyey wuxuu ka yimid madaxda labada dal, Xaqiiqdii wuxuu ahaa go’aan ka yimid madaxweynaheena,” ayuu yidhi Cawad.

 

 

“Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya labada dhinacba waxaa dega dad Soomaali ah, marka inaga oo kheyr la jecel dadka oo dhan, haddana si gaar ah waxaan kheyr deeraad ah lasii jecelnahay dadkayaga ee dega labada dhinac ee xuduudda, sida madaxweynaha yiri, marka uma bahanin in qof uu ku dhinto macno darro  ah.”

 

 

Cawad ayaa dhinaca kale faaf-faahin ka bixiyey kulan uu shalay Nairobi kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Raychelle Omamo.

 

 

Cawad ayaa sheegay inay ka wada hadleen labada dhinac sidii loo dhameyn lahaa khilaafka labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa Xidhiidhka labada dowladood.

 

 

Waxanuu   intaas ku daray inuu rajeynayo in Wada-hadalladan ay ka bedelnaadaan kuwii hore, oo dhowr mar inta lagu heshiiyey aan haddana la dhaqan gelin.

 

“Haddii kuwii hore ay Noqon waayeen sidii aan rabnay, waxaan fileynaa in kuwan ay hir-galaan. Ma jiraan wax damaanad ah, balse kulamadii ugu dambeeyey waxay na gelinayaan rajo,” ayuu yidhi.

 

 

Hoos ka dhageyso codka Cawad

 

 

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker