Ciidamada Israel oo sheegtay in ay dishay rag Xamaas ah oo doon doonayey in ay dhanka badda kaga soo galaan Israel

Militariga Israa’iil ayaa soo bandhigay muuqaal ay ku sheegeen inuu yahay isku day ay shalay ku doonayeen kooxda Xamaas inay xoog ku galaan dalkeeda.

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ugu yaraan laba dagaalyahan oo Xamaas ah ay isku dayeen in ay Israa’iil ka galaan badda Zikim – oo dhanka waqooyi ka xigta marinka Qaza – ka dib markii ay soo galeen xeebta u dhow Qaza iyaga oo sii maray tunnel.

Waxaa la dilay ka dib markii ay weerareen diyaarado dagaal iyo askar ka tirsan ciidamada badda ee Israa’iil, kuwaas oo sidoo kale burburiyay xarun lagu kaydiyo hubka oo “argagixisadu adeegsanayeen”.

IDF ma aysan cayimin sida uu u dhacay isku dayga soo galitaanka dhanka badda, inkastoo muuqaalka ay daabacday uu muujinayo weerarro ka dhacaya oogada badda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker