Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi oo tacsi u diray ehelkii Marxuum Axmed Qootaali.

Hargaysa: (OWN) Tacsidan oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland Ayaa udhignayd sidan TACSI MADAXWEYNE-28/06/2018
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Aadan Cumar (Qotaali) oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay qaranka Somaliland, isagoo ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland, xilal kala duwan oo uu ka mid ahaa wasiirkii arrimaha gudaha Somaliland-na, ka soo qabtay Xukuumaddii Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

No automatic alt text available.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker