IN KALAAMKA ILAAHAY LA XAQIRO MAXAY DIINTEENNU KA QABTAA??

VS

Bal wxaan is dul taageynaa hadalladii dhacdhaca badnaa ee uu Faysal Waraabe ka sheegay markii uu ku soo noqday Hargeysa, kaddib markii uu u shaxaad tegay isaga Cali Kh. Gallayr, madaxweynaha federaalka ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo, kulana kulmeen Brussels.

Waxa uu ammaan badan huwijyey Farmaajo, isagoo aan ka fekerin aflagaadadii shalay uu u mariyey media, oo aan markasta dhegeysan karno, markaa dhaqanka noocaas ah waxaa loo yaqaannaa MUNAAFAQNIMO.

Waxaan ogayn inuu sidoo kale u shaxaad tegay madaxweynayaashii ka horreeyey Farmaajo oo kala ahaa Xassan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxaan aad uga naxay markuu yidhi “markii aan u shaxaad tegay Sheekh Shariif waxaan ugu hajabay haddii uu waxoogaa faraqa iigu shubi waayo inaan ku celin doono MACALLIN QUR’AANKII uu ku shaqaysan jiray”!!!!!!!. INNAA LILLAAHI WA-INNAA ILAAHI RAAJICUUN. Markii uu hadalkaas sheegaayey isagoo xaqiraaya kalaamka Ilaahay oo ku jees-jeesaaya kuna ladhaaya qosol aan jirin ayuu sidaasi ku raaxaysanaayey, markaa su’aasha aan waydiinaayo culumada Soomaaliland waxa weeye: “IN KALAAMKA ILAAHAY LA XAQIRO MAXAY DIINTEENNU KA QABTAA???,”.  Maxay culumadu uga hadli waayeen arrintaas?? Reer Hargeysa waxaan ogayn in la halaagay kaddib markii ay ka bixi waayeen DIIN, RASUUL IYO ILAAH CAY. SUBXAANA ALLAH. 1970 – 1985 oo aan School kaga jiray magaladaas, ayaa waxaa caadi noqday hadalladaasi aflagaadada ah, qofkii caayana waxaa loo yaqaannay qof khatar ah oo aan lagu saqajaami Karin, markaa inanka teen age-ka ah si looga baqo waa inuu is-raaciyaa cayda saddexdaa innaga reeban inaan cayno. Markaa marka uu ninkan munaafaqa ah uu yaso ama xaqiro diintii dhammayd ee aan haysannay ee uu ku jeesjeeso, anigoo og inuu ahaa dhallinyaradii dhaqankaa xun ku sifawday toddobaataneedyadii iyo siddeetamaadkii maxaan Ilaahay ka filan karnaa. Waa in si degdeg ah looga hor tegaa dhaqan xumadan uu bilaabay Faysal Dhurwaa, haddii kale Ilaahay isagaa ballan qaaday inuu Xafido Diintiisa, kuwa ku xad-gudbana ku ciqaabo.

Jawaab waafiya ayaa laga sugayaa dadka culumada ama aqoonta leh, si aan uga hortagno inuu noqdo dhaqan lagu tartamo xaqiraadda iyo ku jeesjeesidda diinteenna xaniifka ah. Haddii aad ka aamustaanna ogaada inaad raalli ka tihiin dhaqan xumada uu bilaabay Faysal WARAABE.

Wabillaahi Tawfiiq.

halyeygaqarniga@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker