Gabadh Soomaali ah Oo Ilmo Ay Dhashay Ku Gowracday Gobolka Minnesota Ee Maraykanka

Gabadh Soomaali ah oo ah Hooyo ayaa lagu eedaynayaa in ay dishay oo ay gowracday wiil yar oo ay dhashay, kaddibna wiilka meydkiisa ku riday haanta qashinka. Gabadhan oo lagu magacaabo Fardoussa Abdillahi ayaa qiratay in ay dishay ilmo yar 3 billood jira oo ay dhashay.
Qisaddan naxdinta leh ayaa ka dhacday magaaladda St, Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Waxaa hadda socda baadhitaan la xidhiidha dilka wiilka yar ay u geystay hooyadii. Gabadha wiilka dhashay ayaa la sheegayaa in uu ninkii ka dhalay wiilka oo iyadda qabay uu ku inkiray, diidayna in uu isagu wiilka dhalay.
Ciidanka booliiska oo baadhitaan ku gudo jira ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in ay xidheen Fardoussa Abdillahi oo 26 sanno jirta, laguna soo oogay dil darajadda labaad ah oo la xidhiidha dilka ay u guysatay wiilka yar ee ay iyaddu dhashay.
Maydka wiilka yar ayaa loo qaaday Xafiiska lagu baadho dembiyadda la xiriira dilka. Sidoo kale Fardoussa Abdillahi ayaa la geeyay xambsiga Degmadda Stearns ee ku yaala magaaladda St. Cloud ee gobolka Minnesota. .
Welina waxaa lagu gudo jiraa baadhitaan iyo xog arruurin la xidhiidha qisaddan xanuunka baddan ee ah dilka wiilka yar ay dishay hooyadiis.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker