Ururka Vosomwo oo Ugu Baaqay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaasha Labada X. Mucaarid In Musharaxiinta Beelaha Gabooye lagu soo saaro Nidaamka Is-xambaarka…

Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo, oo mudo 20 sanno ah, u doodayey Xuquuqda dadka dhaqanku naafeeyey ee Beelaha Gabooye, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo labada Gudoomiye Xisbi mucaarid ugu baaqaya inay xal u raadiyaan sidii ay Musharaxiinta Beelaha Gabooye uga mid noqon Lahaayeen golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada.
Ururka Vosomwo waxa uu wadayaa doodaha xaqdoon ee uu ku raadinayo xaquuqda Beelaha  Gabooye ee dhinac walba leh, waxanu Madaxweynaha JSL iyo Xukumadaba ugu baaqayaa inuu waax kasta oo dawladeed shaqaalaheeda laga qayb-geliyo Beelaha Gabooye, isla markaana xilalka sare ee Xukuumada si cadaaladda loogu daro golaha Wasiirrada iyo agaasimayaasha guud. Ururka Vosomwo waxa uu cod dheer ku diidan yahay in doorasho la qabto, iyadoo aan meel la saarin xuquuqda doorasho ee Beelaha Gabooye. Sidaas daraadeed waxa uu Ururka Vosomwo soo Saaray 5 qodob oo aanu ugu baaqaynaa ciday khusaysaa in aanay dhayal-san, kuwasoo ah kuwan hoos ku qoran.
1: In Musharaxiinta Beelaha Gabooye lagu soo saaro, nidaamka lagu soo saaro Xildhibaanada bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag ee loo yaqaano Is-xambaarka.
2: Sadaxda Xisbi, Madaxweynaha iyo Baarlamaanku Ansixiyaan qoondada Beelaha Gabooye, isla markaana xal u raadiyaan sidii golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada uga dhex-muuqan la haayeen Bulshada dhaqanku naafeeyey.
3: Beelaha Somaliland ee had iyo jeer ka cawda Saami-qaybsiga, waxa ugu mudan Beelaha Gabooye oo ka madhan dhamaan Golayaasha Deegaanada Dalka iyo golaha Wakiilada, sidaas daraadeed cid kastoo ay khusayso amhiyad gaar ah siiyan Beelaha Gabooye xuquuqda.
4: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukumadiisa waxaan ugu baaqaynaa inuu Beelaha Gabooye siiyo xaqoodii ahaa Wasiirnimo, Wasiir ku xigeen, Agaasime guud iyo Gudoomiye-yaasha Hayadaha Dawlada ee Madaxa-banaan.
5: In Deeqaha waxbaraasho laga qayb-geliyo Beelaha Gabooye, isla markaana koox kasta cid lagaga daro.
Alla Mahad leh.
Gudoomiyaha Ururka Vosomwo
Hibaaq Axmed Xasan
vosomwo minority Offece
Hargeysa/ Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker