Mudanayaasha Golaha Wakiillada JSL Oo Fasaxii Ugu Horeeyay Galay

Guddoomiyaha golaha wakiillada ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa geliyay fasaxii ugu horreeyay ee ay galaan mudanayaasha golaha wakiillada, kaasoo dhan muddo bil iyo shan toban cisho ah.

fadhigii maanta ee golaha wakiillada ee somaliland oo uu shirguddoominaayay guddoomiyaha golahaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa xildhibaannada golahaasi waxa uu uga mahadnaqay sidii wacnayd ee ay u shaqeeyeen muddadii labada bilood ahayd, isagoo sheegay in guddida joogtada ah ee golahaasi ay sii wadi doonaan hawshii gole weynihu uu qaban jiray, muddada lagu jiro fasaxa.

Dhanka kale, guddoomiyihu waxa uu xusay in sidoo kale ay dhammeeyeen oo uu xidhan yahay qof dhaawac u geystay mudane ka tirsan golaha, waxaana uu sheegay in muwaadinkaasi dambiilaha ah ay soo xidheen laamaha ammaanku isla markaana la horkeeni doonno sharciga.

Gebogebadii, guddoomiyihu waxa uu u rajeeyay mudanayaasha in nabadgelyo ay kusoo wada noqdaan, isagoo xusay in bisha soo socota ay dib isugu soo laaban doonaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker