Sh Shariif Oo Baaq Adag U Diray Madaxda Dawladda Soomaaliya

Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka dib ugu soo laabtay wuxuuna ka hadlay arrimaha taagan ee ku hareereysan siyaasadda Soomaaliya.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dalka uu ku jiro marxalad halis ah, isagoo dowladda dhexe ku tilmaamay mid ku fashilantay iney qabato doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Wuxuu aaminsan yahay in dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dooneyso boob doorasho iyo in shacabka Muqdisho la dhibaateeyo isagoo saxaafadda la hadlayay.

Shariif wuxuu ciidamada dowladda ugu baaqay inaan loo adeegsan waxyaabo ka baxsan sharciga, mar uu soo hadal qaaday ciidamada lasoo buux dhaafiyay agagaarka xaafadda ay dagan yahiin musharaxiinta.

Dhanka kale madaxweynahii hore wuxuu si adag ula hadlay madaxda dowladda, isla markaana digniin u diray, isagoo sheegay ineysan sharciga ilaalin doonin hadii ay ayaga ilaalin waayaan.

Ugu dambeyntii Sharifi Sheekh Axmed wuxuu sheegay in xafiiska madaxtooyada Soomaaliya lagu joogo sifo sharci ah, qof walba uu leeyahay wakhti uu kaga baxo xafiiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker