Magaaalada Baydhabo Oo Maanta Lagu Dilay Siyaasi Caan Ah

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaas maanta barqadii lagu dilay siyaasi caan ah oo aad looga yaqaanno magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay dileen Cali Aadan Marguuzi, marxuumka la dilay ayaa xilligaas ku sugnaa beer uu ku lahaa bartamaha magaalada.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa ganacasade iyo nin bulshada magaalada Baydhabo aad u taqaanno.

Sidoo kale kale labo qof oo kale ayaa lagu dilay isla maanta magaalada Baydhabo.

Dhammaan dilalka ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa ahaa kuwa ku saleysan aanooyin qaabiil.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo hey’addaha ammaanka oo ku aadan dilalka dhacay magaalada Baydhabo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker