Khamriga Q1aad:

khamrigu wuxu kamid yahay cabitaanno Dhowr ah oo dunida laga isticmaalo.

Soo bixitaankii Suubanaheena Muxamed N.N.K.H Iyo Bilowgii diinta islaamka wuxu ahaa Sharaab Xalaal ah oo ay Goor iyo Ayaan Dadku si hagar la’aan ah uga haqab beeli jireen.

Waxa uu dooriyaa maanka iyo Garashada Toolmoon, Waxa uu lumiyaa xusuusta aadmiga, waxaanu waxyeelo u geystaa badiba xubnaha jidhka si gaar ah Xubnaha  jilicsan sida beerka.

Khamrigu wuxu ka kooban yahay oo leeyahay maadooyin badan oo jidhka faaido u leh.

Inu faaidooyin jidhka u  leeyahay waxa cadeeyey Quraanka kariimka ah يسلونك عن الخمر والميسر قل فيهما اثم ومنافع للناس .

Markaad Eegto kitaabkii Quduuska ahaa (injiil) Waxa uu caddeynayaa intii u dhexaysay Abuurista Aadam iyo Dhalashadii nebi nuux (cs) in aan lagu xusin kitaabkaa Cabitaanada alkoosha leh.
Ka hor duufaantii Weynayd ee Daadku cir iyo dhul is qabsaday waxa lagu eedeeyey nebi nuux inu dhul beeray oo Khamri sameeyey kadibna uu Ku dawakhey.

Sidoo kale xaqiiqooyin helitaanka habka iyo hanaanka Khamiirinta waxay u arooraan xiligii nebi nuux maxaa yeelay waa markii ugu horeysay ee ay alkooshu kasoo muuqato kitaabka quduuska ah (injiil).

Sida qur’aanka Eebe weyne faai’dadiisa u sheegay khamriga  ayaa cilmi baadhayaal u kuur galeen dheefta laga heli karo, waxaanan heli karnaa cilmi baadhisyo dhawaan la daah-furey oo ah xaqiiqo cilmi ah (scientific proved)
halkan waxaan idiin  kusoo gudbin doonaa ugu yaraan 3 faa’ido oo cilmi baadhayaashaasi ay soo tebiyeen:

1. Ugu horeyn cabidda khamrigu waxay caawisaa Oo taageertaa dhererka cimriga aadmiga (longitivity of life) Waayo waxa ku jirta maado la yidhaahdo (Resveratrol) oo ki jirta cinabka, midhaha iyo khudaarta kale. Maadadan waxay jidhka ka caawisaa oo la dagaalantaa Jeermisyada fangaska (Fungi), sidoo kale waxay yaraysaa isku buuqa (stress), waxay jidhka ka ilaalisaa inu wax u noqdo dhaawac soo gaadhay, sidoo kale waxay maadadani la dagaalantaa cudurada faafa, ugu dambayn waxay jidhka ka qabataa maadadani kuleylka iyo milicda qoraxda falaadhaheeda.

2.khamrigu wuxu ka dhigaa jidhka mid caafimaad Qaba:
laga soo bilaabo Ilbaxnimooyinkii Xiliyadii hore (Ancient Times) wadno xanuunka way yaqaaneen.

Ururka Caafimaadka aduunka (WHO) waqtigan la joogo wuxu xaqiijiyey in sanad walba ay dad badani u dhintaan Wadno xabuunka (cardiovascular disease) .
Cilmi baadhayaal badan ayaa xaqiiqiyey qaadashada maadada (polyphenols) oo ah nafaqeeye yar dhirta cunto ahaan loo adeegsado laga helo ay yareyso khataraha  wadno xanuunka. cabitaanka 1 ilaa 2 goor maalintii waxay keenaysaa inay yarayso xanuunka.

3.Cabitaanka khamrigu waxay qofka ka ilaalisaa xanuunada keena waxyeelada Xasuusta (Alzheimer disease), khamrigu wuxu ka caawiyaa xididada jidhku inay furmaan, iyo sidoo kale in la qaado Oxygen-ta iyo Maadada Glucose in si xor ah loo geeyo maskaxda si qofku u noolaado una shaqeeyo.

Inkastoo oo Faaido door ah leeyahay hadana dadka muslimka waxa ka Ebhiyey oo ka joojiyey kana dhigey wax agtooda Xaaraan ka ah eebe weyne sida ku cad aayadda 90aad ee suurada 5aad ee quraanka kariimka (ياايها الدين امنو انما الخمر والميسر والاانصاب  والازلام رجز من عمل الشيطان فجتنبوه لعلكم تفلحون )

Nebigeena muxamed N.N.K.H wuxu isna fogeeyey oo daraabay in qofkii caba aan illaahay salaad ka ogolaanaynin Afartan Maalmood waxaanu yidhi:

عن عبدالله بن عمر -رضي الله عنه- قال: قال رسول الله -صلى الله عليه وسلم-: (من شرِب الخمرَ لم تُقبلْ له صلاةٌ أربعين صباحًا فإن تاب تاب اللهُ عليه فإن عاد لم تقبلْ له صلاةٌ أربعين صباحًا فإن تاب تاب اللهُ عليه فإن عاد لم تُقبلْ له صلاةٌ أربعين صباحًا فإن تاب تاب اللهُ عليه فإن عاد في الرَّابعةِ لم تُقبلْ له صلاةٌ أربعين صباحًا فإن تاب لم يتُبِ اللهُ عليه وغضِب اللهُ عليه وسقاه من نهرِ الخَبالِ قيل يا أبا عبدِ الرَّحمنِ! وما نهرُ الخَبالِ قال نهرٌ يجري من صديدِ أهلِ النَّار)

Mar kale wuxu Xabiibkeenu Nacdalay (macnaheedu waa Naxariista alle oo laga fogeeyo Qofka) Qofka khamriga caba, ka waraabiya, ka ka iibiya, ka laga soo iibsado, Ka wixii laga samaynayey keenay iyo kii sameeyeyba waxaanu yidhi:

عن عبدالله بن عمر -رضي الله عنهما- قال: قال رسول الله -صلى الله عليه وسلم-: (لعن اللهُ الخمرَ، وشاربَها، وساقيَها، وبائعَها، ومُبتاعَها، وعاصرَها، ومعتصرَها، وحاملَها، والمحمولةَ إليه)

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

Tixraac:
blog.winetourismportugal.com
healthline.com/nutrition/benefits-of-wine
[المصدر: تخريج مشكاة المصابيح| خلاصة حكم المحدث: إسناده صحيح]

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker