Israel oo dadka rayidka ah ku amartay in ay ka baxaan bariga Rafah

Israel ayaa maanta soo saartay amar ay dadka rayidka ah ku fareyso in ay isaga baxaan bariga deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in dadka rayidka ah looga baahan yahay in ay ka guuraan halkaasi, ka hor weerarka dhinaca dhulka ah ee la filayo inay ku qaadaan deegaanka ay ku badan yihiin dadka barakacayaasha ah.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Israel oo lagu magacaabo Colonel Nadav Shoshani ayaa sheegay in illaa boqol kun (100,000) oo qof ay ka doonayaan inay banneeyaan dhulkaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay taggaan deegaanka Al-Mawasi, oo ku yaala xeebta koonfureed ee Marinka Gaza, halkaas oo uu ku sheegay aag nabdoon.

“Israel waxay diyaarineysaa hawlgal xadidan oo ka dhan ah Xamaas.” Ayuu yiri Afhayeenka oo aan sheegin, haddii hawlgalkan uu bilow u yahay duulaan ballaaran iyo in kale.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray “Ciidanka Difaaca Israel waxay sii wadi doonaan baacsiga Xamaas meel kasta oo Gaza ah, illaa dhammaan la haysteyaasha Israeliyiinta ay dib uga soo noqonayaan dalkooda.”

Israel ayaa bishii January dadkii deganaa deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza u sheegtay in ay taggaan deegaanka Al-Mawasi, xilligaas oo ay ka waday guluf dhulka ah, balse nasiib darro rayidkii ku barakacay Al-Mawasi kuma nabadgelin deegaankaasi, oo markii horeba ay ugu sheegeen goob nabdoon.

Tel Aviv ayaa Rafah ku tilmaamtay goobtii ugu dambeysay ee ay Xamaas kaga xoogan tahay Marinka Gaza, waana meesha keliya ee aysan Ciidamada Israel hawlgal dhulka ah ka sameynin, muddada toddobada bilood ku dhow ee dagaalka uu ka socdo Gaza.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo Warbaahinta la hadlayay ayaa ku hanjabay in ciidamadiisu ay weerar ku yihiin Rafah, isla-markaana ay Xoogaga Xamaas ku beegsan doonaan bugcad kasta oo Gaza ay ka joogaan.

Amarka dib loogu barakacinayo dadkii horaan ku soo barakacay Rafah ayaa muujinaya in Israel ay qorsheynayso guluf dhulka ah, oo ay ku qaadaan cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, kagana dari doona xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka go’doonsan.

Digniintan ayaa daba socoto duqayn culus oo shalay galab illaa xalay ay Israel ka gaysatay Rafah, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay 22 qof oo rayid ah.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in sideed ka mid ah dadka la dilay ay yihiin carruur.

Ku dhawaaqistan ayaa wiiqeysa dadaalada socda ee weli la doonayo in la isugu soo dhaweeyo Israel iyo Xamaas, si wax uun heshiis ah ay u gaaraan.

Dowladda Qatar ayaa Israel uga digtay inay weerarto deegaanka isku raranka ah ee Rafah, oo hadda ay ku nool yihiin dad tiradooda lagu sheegay 1.5 milyan oo qof, oo horey si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda.

Qatar waxay sheegtay in duulaanka Rafah uu carqaladeynayo dadaalada caalamiga ah ee dib loogu soo noolleynayo wada hadalada Israel iyo Xamaas, si xal loogu helo colaadda Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa xulafada Israel ka codsaday in ay baajiyaan weerarka Rafah, si buu yiri looga hortaggo masiibo.

Netanyahu ayaa dhegaha ka fureysanaya walaaca caalamiga ah ee laga muujinayo duulaanka uu iclaamiyay ee ka dhanka deegaankii ugu dambeeyay ee ay gabaadsanayeen inta badan dadka reer Gaza.

Muddada ay Israel duulaanka ku hayso Marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay 34,683 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 78,018 qof, sida ay Axaddii xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker