Ururka Alshabaab oo bacda ka mamnuucday deegaanada ay ka taliyaan

 

.Ururka Alshabaab ee ka arrimiya qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa soo saaray amar bacda looga mamnuucayo qeybaha ay ka taliyaan.

Alshabaab ayaa ku doodaysa in bacdu ay halis ku hayso deegaanka iyo xoolaha, wixii hadda ka dambeeyana ay mamnuuc tahay.

Inkasta oo sababo illaalinta deegaanka ah ay ku doodayaan Alshabaab, haddana waxaa in badan lagu eedeeyay jarista geedaha dhuxusha laga sameeyo, taas oo ah dhibaatada ugu badan ee deegaameed ee Soomaaliya haysata.

Dalal badan oo adduunka ka mid ah ayaa mamnuucay isticmaalka bacda, waxaana la ogaaday in bacdu ay halis weyn ku tahay deegaanka iyo xayawaankaba.

SOURCE:-BBC SOMALI NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker