Garsooraha ciyaarta caawa Horyaalka Ingiriiska oo xiran doona Kaamera

Markii ugu horeysay horyaalka Ingiriiska garsrooayaashada waxay xiran doonaan kaamera ciyaarta Crystal Palace iyo Manchester United

Jarred Gillet waxa uu isticmaalayaa qalab lagu xirto madaxa oo loo yaqaan “Kaamerada Garsooraha” inkatoo waxa ay duubto aan toos loo daawaneyn.

Muuqaalka ay duubta kaamerada waxaa la isticmalaaya barnaamij hal mar ah kaas oo bixinaya aragti ku saabsan horyaalka Ingiriiska.

Daniel Schlager oo ah garsoore Bundesliga ayaa bishii Feberaayo xirtay kaamerada iyo makaroofnka ciyaartii Eintracht Frankfurt and Wolfsburg ee ku dhamaatay 2-2.

Sanadkii la soo dhaafay garsoore Rob Jones ayaa xirtay kaamerada 2023-kii ciyaartii dhexmartay Chelsea and Brighton ee ka dhacay Philadelphia.

Adeegsiga muuqaallada ay duubaan kaamerooyinka ku xiran garsoorayaasha ayaa lagu sheegay in ay wax ka qabanayaan xadgudubyada ay la kulmaan garsoorayaasha

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker