Maxkamada Gobolka Sool oo xabsi iyo ganaax ku xukuntay dhallinyaro taageero u muujiyay Somaliland

Maxkamada Gobolka Sool ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa 4 dhallinyaro ah oo da’adoodu u dhaxayso 19 ilaa 30 sanno ku xukuntay midkiiba 3 sanno oo xadhig ah iyo 500 oo dollar oo ganaax ah.

Guddoomiyaha Maxkamada oo adeegsanaya Xeerka Ciqaabta Soomaaliya, ayaa sheegay in dhallinyarada lagu helay in ay galeen danbi ah kicin dadwayne iyo qarandumisnimo, isla markaana ay qirteen danbiga ay galeen, sidaasna lagu xukumay.

Waxa uu sheegay in xeer ilaalintu ay heshay muuqaalo iyo hadalo muujinaya dhallinyaradan oo taageero u muujinaya Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay in lagu xukumay qodobadii ay xeer ilaalintu kusoo eedaysay.

“Maxkamadu waxay ku xukuntay danbiilayaasha kala ah Xamdi Cawil Maxamed oo 30 jir ah, Nimco Jamaal Maxamed oo 20 jir, Khadra Cawil Cali oo 21 jir ah, iyo Cabdiwali Jaamac Xasan oo19 jir ah midkiiba 3 sanno oo xadhig ah iyo 500 oo ganaax ah” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadu.

Magaalada Laascaanood ayaa gacanta Somaliland ka baxday badhtamihii sannadkii hore kadib dagaalo dhexmaray dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo uga soo gurmaday deegaanada Puntland iyo Ciidamada Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker