Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta JSL oo Kulan la Yeeshay Madaxa Midowga Yurub u Qaabilsan Somaliland

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Md. Cabdi Naasir Cumar Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Midowga Yurub  ee Somaliland Alberto Fait oo ay ka wada hadleen mashaariicda labada dhinac iska kaashan karaan.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafint Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac waxa shirkaas ku wehelinayey Agaasimaha Telefishanka Qaranka Maxamed Xasan Cali Weji iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta C/Qaadir Dayib Askar.

Madaxa Midowga Yurub  ee Somaliland Alberto Fait ayaa sheegay inay masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ka wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin dhinaca dhaqanka, waxaanu Wasiir Ku-xigeenka uga mahadceliyey warbixinta uu ugu sharraxay waajibaadka wasaaradda iyo meelaha ay doonayaan inay iska kaashadaan Midowga Yurub oo uu ka mid yahay dhinaca dhaqanka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Md. Cabdi Naasir Cumar Jaamac ayaa sheegay inay kulankaasi ka dhashay martiqaad masuuliyiinta wasaaraddu u sameeyey masuulkaas ka socday Midowga Yurub oo uu uga warramay   dib u habeynta wasaaraddu ku hawlan tahay iyo doorka ay doonayso inay ka qaadato mashaariicda horumarinta ee ka socda dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker