Midowga Afrika Oo Dowladda Burundi Ku Amartay In 1000 Askari Ay Ka Saaraan Soomaaliya + Maxay Tahay Sabtu.

Muqdisho-(OWN)-Ururka Midowga Afrika ayaa dalka Burundi u qabtay ilaa 28-ka Bisha February ee sanadka soo socda si ay 1,000 Askari oo ka mid ah Ciidankeeda uga saarto Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in iyada oo loo marayo hanaan diblomaasiyadeed uu Midowga Afrika warqad u diray Dowladda Burundi taas oo loogu sheegayay in ay dhinto ciidankeeda Soomaaliya ka hawlgala.

Xidhiirka Midowga Afrika iyo dowladda Burundi ayaan xilligan wanaagsaneyn, gaar ahaan Dowladda Burundi ayaa guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed, waxaa ay ku eedeysay in uu taageero u yahay mucaaridka dalkaas.

Midowga Afrika ayaa dhinaca dowladda Burundi isna ku eedeeyay in heerka xuquuqda aadanaha Burundi uu aad u hooseeyo islamarkaana dowladda looga baahanyahay in ay wax ka qabato dhibaatada ay la kulmaan dadka Burundi ee dowladda aan taageersaneyn.

Dalka Burundi waxaa Soomaaliya ka jooga 4,500 Askari,waana dalka labaad ee ugu ciidamada badan,waxa kaliya ee ka ciidan badan waa Uganda oo ay ka joogaan 6,200 oo Askari.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker