Somaliland Oo Dalbatay Inay Dhex-dhexaadiso Masar iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan Magaalada Hargeysa kula qaatay wafdi ka socday Itoobiya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide oo dhawaan halkaas tegay.

 

 

Madaxweyne Muuse Bixii ayaa wafdiga ka socday Itoobiya kala hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xiriirka labada dhinac iyo Arrimo kale oo quseeya Khilaafyada Dowladdaha Masar iyo Itoobiya ee Webiga Niil-ka.

 

 

Wakaaladda Wararka dawlada Somaliland ayaa qortay in Madaxweyne Muuse Biixi uu wafdi ka socday Itoobiya u sheegay in Xukuumadiisa ay diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso Masar iyo Itoobiya oo isku haaya Webiga Niil.

Wakaaladda Somaliland ayaa tustay in warkaan ku aadan Dalabka Muuse Biixi ee xalinta labada dowladood ay kasoo xigatay Wargeysa East Africa Business Week ee ka soo baxa dalka Uganda.

 

 

 

Sidoo kale Qoraalka Wakaaladda Somaliland ayaa lagu sheegay in Wargeysa East Africa uu tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin xulafo aad iskugu dhow oo ku yaalla Geeska Afrika, isla markaana xiriir wanaagsan ka leh Dekadda Berbera oo Itoobiya ay wax uga soo degaan.

 

 

 

Si kastaba todobaadkii horey ayay aheyd markii wafdi ka socday dowladda Masar ay tageen Hargeysa, waxaana Ilo-wareedyo diblomaasiyaddeed ay sheegeen in waftigaas Xukuumadda Somaliland u soo bandhigeen in ay Saldhig millatari ka sameystaan xeebaha Woqooyi ee Somaliland, iyagoo booqday qaar ka mid ah dhulka xeebta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker