Bannaanbax Looga Soo Horjeedo Ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka Dhacay.

Dibad-baxyo lagaga soo horjeedo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dadweynahan, ayaa isugu soo baxay fagaaraha Taalada Daljira Daahsoon ee magaalada Muqdisho, waxayna wateen boodhadh lagu soo xardhay erayo ka dhan ciidamada AMISOM, sida dil gar-darro ah dooni meyno, xasuuq dooni meyno iyo erayo kale.

Dibad-baxayaasha, ayaa cambaarayn xoogan u jeediyay AMISOM oo Soomaaliya u joogta howlo nabad ilaalin ah, waxayna ay ku eedeeyeen inay dishay shacab badan.

Qaar ka mid ah dadka dhigayay dibad-baxa, ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay arrintan soo farageliyso, ayna wax ka qabato dil wadareedkii loo geystay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale, AMISOM, ayaa diiday qirashada dilka dadkan shacabka ahaa, hase ahaatee waxay sheegtay inay baadhitaan ku sameyneyso dhacdan, iyadoo markii hore sheegtay inay dileen xubno argagixiso ah.

Hase yeeshee, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii iyo dad kale oo goobjoogeyaal ah ayaa xaqiijiyay in dadkaas ahaayeen rayid. Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dadkan ay ahaayeen beeraley.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay dilka dadkan rayidka ah ayaa sheegay in askartaas sharciga la horkeeni doono, isagoo dhinaca kale xusay inay la xaajoonayaan ehelada dadkii la dilay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker