Wasaarada Caafimaadka oo Ka Warbixisey Xaalada Covid-19 Ee Dalka

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Fayraska Corona ee dalka Somaliland, iyada oo bulshada in badan oo kamid ah ku baraarujisay in ay aad u feejignaadaan.

 

Madaxa waaxda xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa ka warbixiyey halka ay xaaladda xanuunkaas ee dalku marayso, waxaanu sheegay in afartii maalmood ee ugu dambeey ay ka baadheen xanuunkan 529 qof, waxaanu sheegay in 529-kaas qof ee cudurka laga baadhay laga helay 10 qof oo kamid ah, waxauu sidoo kale sheegay in aanay ciddi cudurkan u dhiman afartaas cisho ee ugu dambaysay.

Tiradda guud ee dadka xanuunkan laga baadhay intii xaaladdani jirtay guud ahaan Somaliland ayuu sheegay Madaxa waaxda xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland in ay tahay 8731 qof, waxaanu tilmaamay in dadkan la baadhay xanuunka laga helay dad tiradoodu gaadhayso 920 qof.

 

Tiradda guud ee xanuunkan ka bogsatay dalka Somaliland ayaa noqotay 779 qof guud ahaan, waxaana xanuunka Coronavirus Somaliland ugu dhintay dad tiradoodu gaadhayso 33 qof.

Map of Somaliland with a cell of the novel coronavirus (COVID-19, 2019-nCoV) in the center of a red viewfinder. White map isolated on a blue green background. (colors used: blue, green, red and black). Conceptual image: coronavirus detected, closing of borders, area under control, stop coronavirus, defeat the virus, quarantined area, spread of the disease, coronavirus outbreak on the territory, virus alert, danger zone, confined space. Vector Illustration (EPS10, well layered and grouped). Easy to edit, manipulate, resize or colorize.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker