“Ra’iisal Wasaare Khayre oo kormeeray Dugsiga tababarka Ciidanka ee Jeneraal Goordan

Muqdisho:(OWN) Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Khamiistii Shalay kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Ciidamada Gen; Goordan ee Magaaladan Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Khamiistii Shalay kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Ciidamada Gen; Goordan ee Magaaladan Muqdisho.

Mudane; Kheyre oo halkaasi kula hadlay Ciidan ka tirsan Guutada 14-ka October ee CDS oo uu Xeradaasi tababar ugu soconayay ayaa sheegay in Dal kasta oo burbur kasoo kabsanaya ay ciidankiisu yihiin kuwa bad-baadiya naftoodana u hura.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo amniga, abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD ayaa halkaasi Qado kula qaatay, isagoona xog warastay qaar kamid ah Askarta si uu wax badan uga ogaado noloshooda, tababarka ay qaadanayaan iyo sida ay heeganka ugu yihiin difaaca Dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.

“Dal buburay waxaa dhisi kara ciidan, nabad la waayay waxaa soo celi kara ciidan, dawlad taag daran waa quwad iyo xoog u yeeli kara ciidan. Cawdawga dibadda iyo gudaha laguma difaaci karo qabiil ee waxaa lagu difaaci karaa ciidan qaran oo idinka oo kale ah. Maanta dalkeenna waxaa bad-baadin kara ciidan aan daacad u aheyn qabiil, qolo iyo dan gaar ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Ciidanka u ballan qaaday in xaquuqda ay qaranka ku leeyihiin u heli doonaan si joogta ah si lamid ah shaqaalaha iyo Hawl-wadeennada kale ee dawladda.

Ciidankaan oo loo diyaariyay in ay kooxaha argagaxisada ka saaraan deegaannada ay uga suganyihiin dalka ayaa u badan dhalinyaro aqoonyahanno ah, waxa ayna ciidanka kusoo biireen kadib musiibadii 14-kii Obtober ee sannadkii hore si ay uga qeyb qaataan horumarinta amniga iyo difaaca dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu danbeyn kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo tababarayaasha oo uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin sare u qaadidda tababarrada, difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

(SONNA)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker