Uuruka Midawga Yurub oo Safiir Cusub usoo Magacaabay Somalia

waraMuqdisho (OWN) – Midowga Yurub ayaa safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya, waxaana loo Magacaabay Tiina Intelmann oo hore aheyd danjirihii Estonia ee UK.

Tiina ayaa hoggaamin doonto shaqada laga bilaabo bishan September, waxayna xafiiska kala wareegeysaa Nicalos Berlang oo xafiiska joogay muddo saddex sano ah.

Sidoo kale Ergeygii hore ee Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa xaflad sagaatin ah loogu sameeyey magaalada Muqdisho, maadaama u dhammaaday muddo xileedkiisa.

Ergeyga cusub oo hadal kooban siisay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay shaqada halkeeda kasii wadi doonto, iyada oo kaashaneyso UN-ka iyo Ururka Midowga Afrika.

“Midowga Yurub wuxuu la kaashanayaa Ururada sida UN -ka iyo Midowga Afrika si loo xoojiyo qaab -dhismeedka qaranka iyo hagaajinta amniga Soomaaliya, isagoo Soomaaliya ka caawinaya la -dagaallanka burcad badeedda iyo argagixisada,” ayay tiri Tiina Intelmann.

Marka laga tego Tiina inay aheyd safiirkii hore ee Estonia u fadhiday UK, waxay ku biirtay wasaaradda arrimaha dibadda 1991, waxayna sidoo kale intii u dhexeysay 2014 illaa 2017,aheyd madaxa Ergada Ururka Midowga Yurub ee wadanka Liberia.

Laga soo bilaabo 1999 ilaa 2002, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Ururka Amniga iyo Iskaashiga Yurub (OSCE) ee Vienna. Laga soo bilaabo Maarso 2005 ilaa 2011, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Qaramada Midoobay. Intelmann waxay ahayd safiirkii Estonia ee Israa’iil intii u dhaxaysay 2010 iyo 2011 waxayna noqotay safiirka Estonia ee Montenegro laga soo bilaabo Juun 2011. 12kii Disembar 2011, waxaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker