Hadii aan qaadka la joojin kareyn waa in 2 ama 3 jeer asbuuciiba uu dalka yimaadaa, bulshadana loo sheegaa in qaadka laga qaadi karo Covid19. qalinkii A/rahman fidhinle UK

Jaadku waa Aafo qaran waana mukhaadaraad debedyaal u ah dacdarada dabeecada,  nadaafadana looguma dadaalo oo lama maydho marka la jaraayo ama la raraayo ee la iib geynaayo. Jaadku intaanu gaadhin  goobtiisa ugu danbeysa ee lagu qaybinaayo wuxuu soo maraa gacmo fara badan oo qaar ka mid ahi  ay qabi karaan ama sidi karaan Xanuunka dilaaga ah ee Covid19, sidaa daraadeed Jaadku sifudud ayuu u fidin karaa una gudbin karaa xanuunka caabuqa ah ee Covid19, Waa hadii uu soo taa taabtay ama uu soo raray qof xanuunkan qabaa.  Qaadku waa ganacsi bulsho kaas oo keena in lawada barjeeyo oo lays urursado lana wadaago shaaha, sharaabka iyo sheekadaba. Qaadku waa ganacsi debedyaal ah oo gacmo saar, saar badan kaa soo aan nadiifsaneyn,kuna xafidneyn bac ku xidhan ama bogos u gaar ah oo lagu xafido .Dhaqan ahaan shacabkeenu waa bulsho is dugsata, isna urursata Qaadkuna waa ganacsi maalmeed bulshada isku keena oo sababi karaa in uu si baaxad leh ufidiyo xanuunka dilaaga ah ee Covid19.
Xanuunka Caabuqa ah ee uu keeno Fayruska yar ee ili ma aragtada ah ee dhumucdiisu tahay 120nm ayaa bilihii udanbeeyey aduunka oo dhan kala xidhay oo bandoo ku soo rogay kaas oo galaaftay naf iyo maal badan siina galaafan doona in dhaqaalaha aduunku uu aad iyo aad hoos ugu dhaco bilaha soo socda. Xanuunka Covid19 wuxuu aduunka ku dhacay dad qaadhaaya ilaa iyo 2 milyan oo qof, waxaana uu xanuunkani dilay mudo kooban dad ka badan 150 kun oo qof. Xanuunka Covid19 Dawo ma laha, Talaalna ma laha ee wuxuu leeyhay oo keliya ka hor tag iyo in aad adigu is bad baadiso oo aad gacmaha meydhato mar kasta nadaafadaada guudna aad ilaashato, buuqa dadka badan sida ,Suuqyada xaamiga ah, makhaayadaha iyo meelaha kale ee lagu kulmona aad  ka dheeraato ilaa inta uu xunuunku  dhamaanayo ( Social Distancing )
Xanuunka Caabuqa ah ee Covid19 Waa cudur aduunka oo dhan ku cusub oo gun-dheer oo aduunka oo dhan saameeyey waxaana uu hada marayaa marxaladii labaad kaas oo ka soo bilaabmay dalka shiinaha magaaladiisa Wuhan ka dibna si xun uga dilaacay qaarada Yurub iyo Ameerika oo iyagu ahaa wadamadii sameystay hayadaha caafimaadka aduunka ugu fiican hadana ilaa iyo maanta may xakameyn faafida cudurkan oo waxaa uu cudurkani ka galaaftaa oo ka dilaa boqolaal qof maalin kasta.
Cudurka Caabuqa ah ee Covid19 Waa cudur ku dhaca marinada nugul ee neef mareenka  iyo Sambabada taas oo keeni karta oofwareen iyo neefsashada oo qofka dib ugu noqota ka dibna qofku markiiba uu dhinto hadii uu waayo gar gaarka deg-dega ah iyo mashiinkii oxgygenta sii naayey oo deg deg ah..
Alleh kama dhigee Saynisyahanada wadamada Yurub waxay sheegeen in Xanuunkan Covid19 uu ku danbeyn doono qaarada Afrika oo aan iyadu laheyn hayado Caafimaad iyo cisbitaalo ay ku rakiban yihiin qalabka gar-gaarka deg dega ee xanuunkan lagu xakameeyo maadaama aanu daawo laheyn xanuunkani. Aqoonyahanada ku takhasusay fayraska ee loo yaqaan fayrasyahanada ayaa iyaguna isku raacay in aan fayraskani soo dhaafi karin marada caadiga ah hadii aad afka iyo sanka iskaga xidho maro yar ama cumaamad sidaa daraadeed waa in dadku afka iyo sanka iska xidhaan markay tegayaan meelaha buuqa ah ama ay booqanayaan Cibitaalada iyo goobaha ay joogaan dadka xanuunkan u jiifa.
Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen astaamaha Xanuunka Caabuqa ah ee Civid19 Waxay ku soo muuqdaan mudo 3 ilaa iyo 14 maalmood ah waxaana ay astaamaha koowaad ee cudurkani u eeg yihiin kuwa Hargabka caadiga ah sida Cabudhaad, Cune xanuun, madax xanuun, qandho joogto ah iyo qufac qalalan. Calaamadaha Labaad ee cudurkani waxay noqonayaan Neefsashada oo qofka ku adkaata iyo fayraska oo ugudba Sanbabada kadibna qofku neefsan kari waayo oo qofka naftu qabato marka uu Xaaladan qofku maryaayo wuxuu u baahan yahay oo keliya kaalmo deg  deg ah oo Oxygen wadata (intensive care unit ICU. Nasiib daro dhakhaatiirta dalkeena Somaalilaan ma laha waadhadh ay ku qalabaysan yihiin galabka gar gaarka deg dega ee Oxygentiisa wata. Xanuunkan noocisa sahlan ama loo yaqaan ( Mild) waxaa calamadaha Hargabka caadiga ah u raaca Shuban , urta iyo dhadhanka oo qofka ka tagta marka uu Calaamadahan leeyahay qofka uu xanuunku saameeyey  waa ka ugu badan aduunka oo waa mid  sahlan oo lagu bogsan karo mudo kooban oo 2-ba asbuuc ah.
Talo Soo Jeedin Si loo Xakameeyo Xanuunkan Dilaaga ah Covid19:
1-  Waa in Xukuumadu Qaadka si gaar ah uga wacyi gelisaa bulshada Somalilaan
2- Waa in Xukuumadu Qaadka Joojisaa mudo 6 Asbuuc ah hadii ay joojin kari weydo waa in Qaadku dalka yimaadaa 2 ama 3 jeer Asbuuciiba ilaa mudo laba bilood ah.
3-  Waa in Xukuumadu soo iibsataa sheybaadh casri ah kaas oo ay kaga maarmayso tijaabooyinka dadka laga qaado ee debeda loo diraayo marka qof soo dhacoba.
4-  Waa in Xukuumadu soo iibsataa ama Aduun weeynaha  ka dalbataa qalabka gar gaarka  deg dega ah oo Oxygentiisa wata ( intensive care units)
5- Waa in Xukuumadu ay dalbataa ama imaaraatiga  ka baridaa Raashin badan oo wada gaadha dhamaan dadka dan yarta ah iyo Ciidmada qaranka  Bisha Rabadaan.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker