Maareeyaha Dekedaha ay Isticmaasho Ethiopia oo sheegay inay Kordhinayaan Tirada Dekedaha ay Isticmaalaan

Adis Ababa (OWN) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay sare u qaadeyso tirada dekadaha ay isticmaasho ee Soomaaliya iyo kuwa kale ee ku yaalla dalalka dariska la ah maadaama aysan Wax Dekado ah  laheyn.

 

 

Maareeyaha Dekedaha ee Dawladda Itoobiya Makonan Abarra ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya oo hadda heshiis ku aadan isticmaalka dekadaha kula jirto wadamada Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan  ay qorsheeneyso inay isticmaasho Dekado cusub maadaama ay kuwaan ku filnaan waayeen.

 

 

 

“Maaddaama oo dalkeenu ballaadhan yahay waxa muhiim ah in la adeegsado Dekedo badan oo wax lagala soo dego, waxaana la daraaseynayaa dhinacyada ugu habboon ee laga hirgelin karo Dekeddahaasi, Tusaale ahaan dhinaca galbeed,

 

 

Koonfurtana tee ku habboon, sidoo kale bartamaha Dalka iyo bariga tee ku habboon, markaynu sidaa leeyahay waxa laga duulayaa Masaafada Koontiinnarada sida, mid kasta goobtee laga soo gelin karaa, markaana waxa la xadidayaa kharashaadkii ku bixi jiray dib u rarka,” ayuu yidhi Makona Abara.

 

 

Makona Abara oo hadalka sii watay ayaa sheegay in Dekadaha ay hadda qorsheenayaan inay badiyaan isticmaalkooda ay kala yihiin  Jabuuti, Suudaan , Somaliland, Kenya iyo Eriteriyana.

Illaa hadda Dekedaha aanu heshiiska la saxeexanay waxa ka mid ah Jabuuti, Suudaan iyo Somaliland, Kenya iyo Eriteriyana ayaa la qorshaynayaa, waxaanu qorshaynay inaanu ka faa’idaysano Dekedaha dalalka Deriska ah, iyadoo laga duulayo meel kasta goobta ku habboon ee alaabta laga soo gelin karo iyo alaabooyinka dalkeenu dhoofiyo goobta ugu habboon ee laga dhoofin karo.”

 

 

Makona Abara ayaa sidoo kale xusay in qorshahooda uu yahay sidii ay u badan lahaayeen tartanka Dekadaha, ayna door badiyaan inay isticmaalaan Dekado badan si ay u helaan qiimo jaban.

Hadalka kasoo yeeray Abara ayaa kusoo aadayo xilli madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Itoobiya ay horey u kala saxiixdeen heshiis dhigayo in Itoobiya maalgashato 4 Dekad oo ku yaalo Soomaaliya inkastoo aan si rasmi ah loo cayimin kuwa ay yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker