Laba ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo xukun dil lagu fuliyay

Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed, 29, oo hore loogu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna dileen labo ka tirsan ciidamada amniga ayaa saaka toogasho lagula fuliyay school Boliisiya.

Cabdulle Axmed ayaa lagu helay inuu dilay Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada amniga bishii November 2019, halka Cumar Aadan Maxamed ayaa isna lagu helay inuu dilay Cabdullaahi Maxamed Hilowle bishii Oktoobar 2019.

Maxkamadda ayaa xukunkaas ku ridday labadooda bishii Diisambar 2020.

Dilka labadan ayaa ka dhigaysa maleeshiyada la toogtay maalmihii kasoo dhaafay 10, kuwaasi oo lagu helay dilka askar iyo shacab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker