Barcelona Oo Seddex Xiddig Oo Muhim Ah Iyo 100 Milyan Ku Soo Bedelaneysa Xiddiga PSG Neymar

Globoesporte waxa ay sheegtay in Barcelona ay dooneyso inay seddex ka mid ah xiddigaheeda oo kala ah Samuel Umtiti, Dembele iyo Ivan Rakitic oo ay la socoto 100 milyan euro inay ku soo bedeshaan xiddiga PSG Neymar

Sida warbaahinta Brazil ay sheegtay, madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa si shaqsi ah uga qeyb galaya wadahadalada lala yeelanayo Neymar aabihiis, waxaana labada nin ay diyaar u yihiin inay dhinac iska dhigaan qilaafkooda islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii Neymar uu dib ugu laaban lahaa Blaugrana.

Sheekada ku saabsan in Neymar uu ku laabanayo Barcelona ayaa sarre u kacday isbuucaan markii gudoomiyaha kooxda PSG Nasser Al Khelaifi uu u sheegay majada France Football:

“Haddii uu jiro qof aan ku faraxsaneyn kooxda, albaabka waa uu furan yahay.” ayuu yiri Al Khelaifi, PSG ayaana markii ugu horeysay aqbashay in Neymar uu bixi karo.

“Cidna ma soo qasbin, cidna kuma qasbin inuu halkaan yimaado, isagoo ku yimid qiyaarkiisa isagoo og mashruuca halkaan ka socda” ayuu yiri Al Khelaifi oo u muuqday mid kooxaha kubada cagta u sheegaya in Neymar uu iib ka yahay xagaagan.

Laakiin waxaa isweydiin leh Neymar oo dhaawacyo ay diloodeen xilli ciyaareedkii dhamaaday haatana dhaawac ku seegaya Copa America miyuu u qalmaa in lagu soo bedesho Umtiti, Dembele, Rakitic iyo 100 milyan euro?https://youtu.be/fCjs5mao0pc?t=1

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker