Nin mataano Ilaah ka baryi jiray oo shan jeer mataano loo dhalay

Ayopo Ogunleye, oo shan jeer loo dhalay mataano, ayaa noqday qof caan ka ah galbeedka Nigeria.

Wuxuu BBC Yoruba u sheegay inuu haatan keligii korsanayo carruurtiisa, oo ay ku wada nool yihiin gobolka Ogun, kaddib markii xaaskiisa ay ka tagtay.

Waaliddiinteeda ayaa ku dhaliilay inay mataano badan dhasho, kaddibna way ka tagtay ninkeeda.

Aabbahan oo da’da 40-meeyada ku jira ayaa korsanaya toddoba carruur ah, iyadoo lammaanahaasi ay ka dhinteen mataanihii ugu horreeyay ee ay dhaleen iyo hal cunug oo mataanihii ugu dambeeyay ka mid ah.

Ogunleye ayaa sheegay inuusan markii hore fileyn mataano, kaddibna uu la yaabay markii loo sheegay inay xaaskiisa mataano dhashay.

“Waan ku duceysan jiray ilaa yaraanteydii, Ilaah ayaana uga mahadceliyay. Waxaan hab siiyay xaaskeyga waana u hambalyeeyay.”

Qowmiyadda Yoruba, oo badankood dega galbeedka Nigeria, waa kuwa ugu mataano dhalidda badan caalamka.

Mataanaha waxay u yaqaannaan “Ibeji” waxaana dhaqan ahaan raaca carruur keli ah oo loo yaqaanno “Idowu”.

Balse Ogunleye ayaa sheegay in mar walba oo ay xaaskiisa uur qaaddo ay dhali jirtay mataano.

“Carruurtu waa barako ka timaadda Ilaah,” ayuu yiri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker